Atletico Madrid oo ka hadashay xaqiiqda dalabka uga yimid Barcelona ee ku aadan saxiixa Antoine Griezmann

(Barcelona) 14 Abriil 2018 Barcelona ayaa dadaal xoogan ugu jirta dhamaystirka saxiixa weerar yahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Maalmihii u danbeeyay ayaa la sheegay in Barcelona ay dalab rasmi ah hordhigtay Atletico si loo dhameeyo saxiixa Antoine Griezmann.

Laakiin mid kamid ah masuuliyiinta kooxda Atletico Madrid ayaa beeniyay warkaas, wuxuuna sheegay in Barcelona iyo koox kaleba aysan la soo xiriirin.

“Ma jirto koox noo soo gudbisay dalab, mana jirto wax aan ka ognahay Barcelona” ayuu yiri masuul ka tirsan Atletico Madrid.

“Waqtigaan la joogo waa laacib ka tirsan Atletico, waxaan ka hadlayaa oo kaliya wixii xaqiiq ah laakiin kama hadli karo wixii dhici doona mustaqbalka, Antoine Griezmann anaga ayuu heshiis nagula jiraa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close