Rikoor Sidee ah ayey Liverpool ka Heysataa Kooxaha Afar Dhamaadka ay Isku Hayaan.

(England) 13 April 2018. Waxaa goor dhaw dhici doona isku aadka wareega afar dhamaadka koobka Champions League oo ay isugu soo hareen kooxaha Real Madrid,Bayern Munich,Roma iyo Liverpool.

Kooxda reer England ayaa dooneysa iney koobka kooxaha yurub sanadkan keento caraba Britain oo aan wayaan looga dagaal dagin kooba dhaga weyne.

Balse waxaa ka baahi badan kooxda reer Italy ee roma oo aan taariikhdooda koobkan ku guuleysan waxeyna rajo ka qabaan in koobka ay geeyaan magaalada wali su geysa koobka Champions league ee roma iyo kooxdii ugu horeysay ee talyaani ah ee ku guuleysataan tartanka tan sanadkii 2010.

Hada wax ka ogaaw natiijooyinka ay Liverpool ka heysato kooxahan tartamada yurub ?

BAYERN MUNICH vs LIVERPOOL

Min hal guul ayey kala gaareen sedexdana barbaro

1971/72 European Cup Winners’ Cup Sideed dhamaadka tartanka ayey ku kulmeen xiligaas.

Liverpool 0-0 Bayern  Bayern 3-1 Liverpool

Bayern ayaa kusoo baxday 3-1goolal ah

1980/81waxey ku kulmeen Afar dhamaadka  European Cup

Liverpool 0-0 Bayern  Bayern 1-1 Liverpool

Waxaan gool banaanka ku soo baxday Liverpool.

2001 waxey ku kulmeen UEFA Super Cup oo ka dhacay Monocow

Waxaana 3-2 ku adkaatay Liverpool

LIVERPOOL vs REAL MADRID

Liverpool ayaa kaga guulo badan tartamada yurub kooxda koobka xafidaneysa ee Real Madrid waxeyna  reds badisay 3 kulan halka Real ay iyana adkaatay 2 jeer mana jiro wax barbaro ah oo ay galeen labadaan koox kulamadooda tartamada yurub au isku wajaheen

1980/81 waxey ku kulmeen European Cup final

Liverpool 1-0 Real Madrid

2008/09waxey isku arkeen  UEFA Champions League wareega 16 kooxood

Real Madrid 0-1 Liverpool Liverpool 4-0 Real Madrid

Liverpool ayaana guul awood leh kaga soo gubudtay Real 5-0 labadii kulan ay waqtigaas is arkeen

2014/15 waxey isku arkeen UEFA Champions League heerkiisa groupka

Liverpool 0-3 Real Madrid   Real Madrid 1-0 Liverpool

Real ayaana carada ku dartay Liverpool

IVERPOOL VS ROMA

Labadan koox ayaa tartamada yurub ku kulmay sedex jeer Liverpool ayaana kaga guulo badan kooxda talyaaniyaa oo waxa ay garaacday 2 jeer halka kooxda roma ay badisay halmar labo marna baro baro ayey galeen

1983/84 waxey ku kulmeen European Cup final

ciyaartooda ayaa ku dhamaatay Roma 1-1 Liverpool laakin rigoorayaal koobka waxaa 4-2 ku qaaday reds.

2000/01 waxey ku kulmeen koobka UEFA Cup wareega afaraad

Roma 0-2 Liverpool  Liverpool 0-1 Roma

Liverpool ayaana ku badisay 2-1 gool wadar gooleed ah

2001/02 ayey labadaan koox ku kulmeen groupka labaad ee UEFA Champions League

Roma 0-0 Liverpool liverpool 2-0 Roma

Liverpool ayaa kaga natiijo fiican kulamada ay horay uwada kulmeen kooxaha ay isku hayaan afar dhamaadka sanadakan ee Roma Bayern Munich iyo Real Madrid taas waxey ku dhiira galin kartaa kooxda reer England hanashada koobkoodii lixaad ee champions league.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close