RASMI: Bayern Munich oo magacaawday tababareheeda cusub

(Munich) 13 Abriil 2018 Bayern Munich ayaa goor dhaw si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la gaartay tababaraha kooxda Eintracht Frankfurt ee Niko Kovac.

46 jirkaan reer Croatia ayaa qalinka ugu duugay kooxda Bayern Munich heshiis 3-sano ah, wuxuuna la wareegi doonaa talada kooxda 1-da July ee sanadkaan.

Niko Kovac ayaa noqonaya badalka tababaraha ku meel gaarka ah ee Jupp Heynckes kaas oo dib loo soo kiciyay kadib markii kooxdu ay cayrisay tababare Ancelotti bilowgii xiliciyaareed kaan.

Kovac ayaa ah shaqsi sifiican u garanaya Bayern Munich, wuxuuna horay ugu soo ciyaaray intii u dhexeysay 2001 ilaa 2003, wuxuuna u saftay 34 kulan isaga oo u dhaliyay kaliya 3-gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close