QORMADA JIMCAHA: Ma dooneysaa inaad ogaato Sababta Juan Mata loogu sheego inuu yahay Shaqsiga ugu FIICAN kubbada cagta!!???

(Europe) 13 Abriil 2018. Qormadeenii Jimcaha ee tixanaha inoo ahayd waxaan usbuucan uga hadli doonnaa kubbad qaabeeyaha reer Spain ee kooxda Manchester United Juan Mata.

Mata ayaa lagu sheegaa inuu yahay shaqsiga ugu fiican kubbada cagta hadde waan kan ugu fiican ee ma ahan sheekada kan ugu Laacibsan.

Marka aan leenahay kan ugu fiican waxaa loola jeedaa shaqsiga ugu naxariista badan.

Ugu horreyn, Laacibkii hore ee Chelsea ma ahan oo kaliya in xirfadiisa ay ku eg tahay kubbada cagta ee sidoo kale waa Aqoon yahan Jaamacad ka qalin jabiyay.

Mata ayaa kuliyadda Saxaafadda ka bartay jaamacadda Universidad Politecnica ee ku taala magaalada Madrid ee dalka Spain.

Sidoo kale waqtiyada uusan u ciyaareyn Man United wuxuu Degree ka diyaariyaa Sports Science and Finance..

Marka Xigta, Waa Samafale wayn oo wuxuu fuliyay mashaariic badan oo lagu caawiyo dadka dhibaateysan iyo caruurta.

Mata, who visited Royal Manchester Children’s Hospital at Christmas, is no stranger to a good deed

Wuxuu ka mid yahay ciyaartooy tiro yar oo Mushaarkooda boqolkiiba hal ka jara si ay Samafalada ugu bixyaan.

Ugu dambeyn, iska dhaaf inuu caawiyo dadka dhibaateysane oo wuxuu labadii bilood ee dambe bilaabay inuu caawiyo shaqaalaha kooxda Manchester United marka ay ciyaarayaan kulamada bannaanka (Away games) oo wuxuu la dhaqaa Maaliyadaha ciyaartoyda iyo waliba Kobaha.

“Juan waa nin ka duwan dadka kale, waxa uu bilaabay inuu caawiyo shaqaalaha kooxda labadii bilood ee ugu dambeysay, waxayna midaa soo koobeysaa shaqsi ahaan nooca uu yahay.”, xubin ka tirsan kooxda Manchester United ayaa sidaas u sheegay Wargeyska The Sun.

Mata’s team-mates often waste no time heading back to their luxury cars but Mata stays behind to lend a helping hand

“Marka ay ciyaartoyda kale ee kooxda ku boodaan Gawaaridooda qaaliga ah oo ay dhaqaajiyaan kaddib ciyaaraha ay kooxda martida tahay, Juan waa uu sii joogaa si uu u caawiyo shaqaalaha caadiga ah ee kooxda.

“Waa shaqo adag oo waqti badan qaadaneysa in la nadiifiyo agabka ciyaartoyda oo dhan, dadku waxa ay leeyihiin waa howl fiican uu qabanayo, balse daacadii waa sida uu caadiyan yahay, waxaan dhahnaa waa ninka ugu fiican kubadda cagta.”

Haddaba Aqriste maku raacsan tahay in Mata lagu sheego inuu yahay Shaqsiga ugu fiican Kubbada Cagta Adduunka?.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close