Bayern Munich Vs Real Madrid – Waa isku aad u fiican Cristiano Ronaldo

(Madrid) 13 Abriil 2018. Real Madrid waxa ay la ciyaari doontaa Bayern Munich afar dhammaadka Champions League – waa war u wanaagsan Cristiano Ronaldo.

Real Madrid waxa ay afar dhammaadka ku soo gaartay ciyaar muran dhalisay ee ay Bernabeu kula ciyaarin Juventus lugtii labaad ee sideed dhammaadka Champions League.

 

Ronaldo ayaa bandhigyo wanaagsan ka sameeyey Turin iyo Bernabeu isaga oo saddex gool ka dhaliyey.

Real Madrid iyada ayaa hadda ugu cad cad in ay Champions League ku guuleysato markii saddexaad oo xiriir ah.

Waxaan shaki ku jirin in uu Ronaldo u riyaaqsan yahay kahor imaanshaha Bayern Munich.

Laacibka u dhashay Portugal kulan walba oo uu ka horyimi fursado wanaagan ayey u noqon jireen.

2012-kii laba gool ayuu uga dhaliyey Bernabeu lugta labaad ee afar dhamaadka Champions League, is arag ay Real ku hartay.

Hase ahaatee, laba sano kaddib, Ronaldo laba gool ayuu ka dhaliyey ciyaar ay 4-0 ku xasuuqeen Bayern oo joogta Alliaz Arena.

Habeenkaas mid Madrid u wacan ayuu ahaa maadama ay ruxday sanadkaas koobkeedii ugu horreeyey tan iyo 2002.

Ronaldo wuu kala diray Bayern markale sanadkii hore.

Laacibka reer Portugal laba gool ayuu kaga dhaliyey Allianz Arena markii ay lugta hore ku wada dheelen sanadkii hore.

Hadana, Ronaldo saddex ayuu uga dhaliyey Bernabeu lugtii labaad iyaga oo ku garaacday 4-1.

Waxaan shaki ku jirin in Bayern Munich ay ka cabsan doonto 33-jirka.

In ay celin karaa xiddigii hore ee Manchester United –waa mid loo wada joogo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close