4-ta kooxood ee isku soo haray, Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka Europe League goormaase la ciyaarayaa??

(Europe) 13 Abriil 2018. Lazio ayaa xalay lama filaan lagu dhigay kaddib markii laga reebay Europe League.

Kooxda reer Talyaani ayaa 4-2 uga soo adkaatay Salzburg lugtii hore ee wareega sideed dhammaadka balse xalay ayaa iyana looga adkaaday 4-1 sidaana looga reebay tartanka.

Atletico Madrid ayaa soo baxday inkastoo ay guul darro la kulantay halka Arsenal ay iyana bar baro soo gashay.

Haddaba wax badan ka ogoow isku aadka Semi Final ka Europe League.

Waa kuwee Afarta kooxood ee isku soo baxay?

Arsenal

FC Red Bull Salzburg

Marseille

Atletico Madrid

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka halkeesa lagu sameynayaa?

Waxaa la sameyn doonaa maanta duhuradii ka hor inta aan la samayn isku aadka Champions League gaar ahaan marka saacadu tahay 1-da duhurnimo.

Waxaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada lugta hore iyo lugta dambe ee afar dhammaadka Europe League?

Waxaa lugta hore la ciyaari doonaa Khamiis 26-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono Khamiis 3-da May.

Goorma ayaa la ciyaarayaa Final ka Europe League halkeese lagu ciyaarayaa?

Waxaa la ciyaari doonaa Arboco 16-ka bisha Ma.

Waxaa lagu ciyaari doonaa gegada the Stade de Lyon ee dalka Faransiiska, kooxda ku guuleysata Europe League si toos ah ayay uga soo qeyb gali doontaa Champions League kal ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close