Valverde oo diiday inuu canaanto ciyaartoydiisa kadib kulankii Roma

(Barcelona) 12 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa diiday inuu ku qayliyo ciyaartoydiisa kadib kulankii Roma.

Barcelona oo 4-1 uga soo adkaatay Roma kulankii lugta hore ayaa looga adkaaday 3-0 kulankii lugta labaad, sidaas ayaana looga reebay tartanka Champions League.

Sida ay baahisay Marca, Ernesto Valverde ayaa saaka la hadlay ciyaartoydiisa kaliya hal daqiiqo ka hor intii aysan bilaabin tababarka ka hor kulanka Valencia.

Ernesto Valverde ayaa ka soo horjeestay inuu ku canaanto ciyaartoydiisa ka haridii koobka horyaalada yurub maadaama shaqsi walba uu ogyahay sababtii kooxdu ay u soo hartay.

Barcelona ayaa haatan u diyaar garoobaysa kulan sabtiga galabkii ay marti qaadi doonto kooxda Valencia si ay u hilmaanto ka haridii Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close