Tababare Allegri oo beeniyay inuu la dagaalay xalay Sergio Ramos

(Madrid) 12 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay wixii dhex maray isaga iyo Ramos markii rigoorada laga dhigay kooxdiisa.

Sergio Ramos ayaa xalay ganaax uga maqnaa kooxdiisa, balse kaamirooyinka garoonka ayaa soo qabtay isaga oo ay is haystaan tababare Allegri.

50 jirka reer talyaani ayaa sheegay inuusan jirin dagaal dhex maray isaga iyo Ramos, wuxuuna cadeeyay inay isku qabsadeen kaliya sax ahaan shaha gool ku laadkii laga dhigay Juventus.

Massimiliano Allegri ayaa la waydiiyay wixii dhex maray isaga iyo Ramos dhamaadkii ciyaarta, wuxuuna yiri:

“Waxaan ku iri Ramos gool ku laadku ma ahan mid kala cad, ma is dagaalin ee waan kaftamaynay, ma hubo in garsoore kale uu dhigi lahaa rigooradaas”.

“Aad ayeey u xanuun badan tahay in rigoore lagaa dhigo daqiiqada 92-aad”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close