Sideey u arkaan taageerayaasha Barcelona rigooradii muran ka dhalisay ee xalay loo dhigay Real Madrid?

(Barcelona) 12 Abriil 2018 Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa ra’yigooda ka dhiibtay rigooradii muranka dhalisay ee xalay loo dhigay Real Madrid.

Garoonka Santiago Bernabeu ayaa xalay halmar isla kacay daqiiqadii 93-aad ee dhamaadkii ciyaarta, markaas oo rigoore lama filaan ah loo dhigay Real Madrid, Ronaldo ayaana shabaqa dhex dhigay.

Mundo Deportivo ayaa ra’yi u ruurin ka dhex samaysay taageerayaasha Barcelona, waxayna u bateen in gool ku laadkii loo dhigay Real Madrid uu ahaa mid aan sax ahayn.

61% taageerayaashii dhiibtay codkooda, waxay isu raaceen in qalad ay ahayd rigooradii loo dhigay Real Madrid dhamaadkii ciyaarta.

Waxaa xusid mudan in hal habeen ka hor ay Barcelona ka hartay koobka horyaalada yurub kadib guul daro qaraar oo ka soo gaartay Roma.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close