Ronaldo iyo Blaise Matuidi oo xalay Labo mar la kala qabtay (MUUQAAL)

(Madrid) 12 Abriil 2018 Cristiano Ronaldo iyo laacibka Juventus ee Blaise Matuidi ayaa xalay la kala qabtay markii ay dhamaatay ciyaarta.

Ronaldo ayaa dhamaadkii ciyaarta rigoore muran badan laga keenay ka dhaliyay Juventus oo sidaas uga hartay Champions League xiliciyaareed kaan.

Blaise Matuidi ayaa u dul qaadan waayay dabaal daga waalida ah ee Ronaldo oo markaas uu u arkayay mid aan cadaalad ahayn, waxayna is dhaafsadeen hadalo kulul.

Sida kuu muuqata, labada laacib ayaa is qoomay labo jeer laakiin ciyaartoyda labada dhinac ayaa ku guulaystay inay damiyaan xiisada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close