Qarax ka dhacay garoon ay ku ciyaarayeen Ciyaartooy Soomaaliyeed

(Barawe) 12 Oktoobar 2018. Ugu yaraan afar dhalin yaro ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay garoon ay ku ciyaarayeen ciyaartooy Soomaaliyeed oo ku yaala degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubbad ku cayaareysay meel garoon ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay qaraxan inay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad ku dhaw 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada.

Dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah dhalinyaro u soo daawasho tagay kulanka Elman iyo SYL.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close