Marcus Rashford oo go’aansaday inuu ka tago Man United iyo Arsenal oo isha ku haysa

(Manchester) 12 Abriil 2018 Weerar yahanka da’da yar ee Marcus Rashford ayaa go’aansaday inuu isaga tago kooxdiisa Manchester United dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Marcus Rashford ayaan ku faraxsanayn waqtiga uu ku qaadanayo kooxdiisa Manchester United oo uu keyd ka galay sida ay baahisay Express.

Image result for Rashford Arsenal

20 jirkaan ayaa ka caraysan in aan si joogto ah loo ciyaarsiin tan iyo markii uu kooxda yimid Alexis Sanchez suuqii Janaayo.

Ma ahan kaiya Sanchez ee sidoo kale Rashford ayaa rumaysan inuusan boos joogto ah ka helayn United inta uu joogo Lukaku.

Arsenal ayaa aad ula socota xaalada Marcus Rashford ee Man United, waxayna isku dayayaan inay ku qanciyaan kooxda tababare Mourinho iibka da’yarkooda.

Sidoo kale, Real Madrid ayaa xiisaynaysa saxiixa Marcus Rashford.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close