Marcelo oo ku digtay Barcelona kaddib markii ay xalay u soo gudbeen afar dhammaadka Champions League

(Madrid) 12 Abriil 2018. Real Madrid wey u soo gudubtay afar dhammaadka Champions League laakiin waxa ay ku sigteen in ay u haraan sidii Barcelona oo kale kaddib markii laga dhaliyey saddex gool.

Laakiin kabtankii xalay Marcelo waxa uu sheegay in aysan u kufeen sidii Barcelona oo kale.

“Waa in aan wajahnaa waxaan sameysay wax walba oo suurtagal ahaa si aan  u soo gudubno,” ayuu yiri kulanka kaddib.

“Wixii ku dhacay Barcelona naguma dheceen waayo waxaan nahay Real Madrid.”

Isaga oo ka hadlaya gool ku laadkii loo dhigay Lucas Vanquez waxa uu Marcelo sheegay in uu go’aan sax ah ahaa.

“Gool ku laadku waa caddaa,” ayuu yiri.

Real Madrid waxa ay afar dhammaadka la ciyaari doontaa midkood Bayern Munich, Liverpool iyo Roma.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close