Liverpool oo shardi adag ku xirtay in Salah uu ku biiro Real Madrid

(Liverpool) 12 Abriil 2018 Real Madrid ayaa si xoog leh u bilowday ololaha ay ku doonayso saxiixa Mohamed Salah dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Laakiin Liverpool ayaa shardi adag ku xirtay in Mohamed Salah ay iska iibiso dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay Don Balon.

Liverpool ayaa diyaar u ah oo kaliya inay iska fasaxdo Salah haddii xiliciyaareed kaan ay ku guulaysato koobka horyaalada yurub kadib markii ay soo tiigsatay Semi Final-ka koobka.

Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxdiisa Liverpool xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay 29-gool horyaalka ingiriiska 31-kulan oo uu ciyaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close