Klopp oo kalsooni ku qaba in Salah uu sii joogayo Liverpool

(Liverpool) 12 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kalsooni badan ku qaba in Mohamed Salah uu sii joogayo kooxda.

Xiddiga reer Masar ayaa si wayn loola xiriiriyay kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo PSG kadib qaab ciyaareedka fiican ee xiliciyaareed kaan uu ku soo bandhigayo Liverpool.

Image result for Salah Klopp

Klopp ayaa sheegay in Salah uu ogyahay in qaab ciyaareedka Liverpool uu yahay mid isaga aad ugu haboon, wuxuuna intaa ku daray inuu ku kalsoonyaha joogitaankiisa.

“Waan ogahay inuu daganaan badan ku dareemayo halkaan, waa uu ogyahay in qaab ciyaareedkeenu uu yahay mid aad ugu haboon isaga” ayuu yiri tababare Jurgen Klopp.

“Sidaas darteed wax wal wal ah kama qabo inuu baxayo, mana ii muuqato sabab ku qasbaysa in waqtigaan uu aado meel kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close