Ciyaartoyda Barcelona oo Ooyin jabsaday markii laga reebay Champions League

(Barcelona) 12 Abriil 2018 Sida uu ogaaday wargayska Marca, qaar kamid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa ooyin jabsaday markii laga reebay Champions League.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa ku jiifay niyadana ku haayay inay u gudbeen Semi final-ka Champions League markii 4-1 ay uga adkaadeen Roma kulankii lugta hore.

Mana jirin laacib ka tirsan Barcelona oo aaminsanaa in kooxdiisu ay ka harayso koobka horyaalada yurub kulanka lugta labaad.

Arimahaas oo idil ayaa keenay in qaar kamid ah ciyaartoyda Barcelona ay rumaysan waayeen in laga reebay koobka, waxayna bilaabeen inay ku dhex baroortaan qolka labiska ciyaarta kadib.

Guul daradii ka soo gaartay Roma ayaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato ciyaartoyda Barcelona kulanka sabtiga ee Valencia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close