Banaadir oo beerka uga dhacday Elman oo labo Gool kala hor martay

(Muqdisho) 12 Abriil 2018. Banaadir ayaa afka ciida u dartay kooxda Elman kulan ka tirsanaa Somalia Premier League oo ay Galabta uga adkaatay 4-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso Elman.

Anwar Shakunda iyo Meyma ayaa labada gool u saxiixday naadigooda Elman balse waxba uma tarin goolashaas maadaama loo sarifay.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Benteke ayaa Saddexleey u xareeyay Benaadir waxaana goolka kale u dhaliyay Caadil Nuur Cali.

Banaadir ayaa si ku meel gaar ah u soo fariistay kaalinta labaad, balse horseed ayaa ka gali doonta haddii ay soo adkaato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close