Arturo Vidal oo Hilmaamay ciyaartii Bayer kana Doortay Daawashada Dheeshii Bernabeu+SAWIRO

(Munich) 12 April 2018. Kooxda juventus ayaa ciyaar sareeysa kusoo bandhigtay garoonka Bernabeu ee kooxda Real Madrid balse mar qura waxaa wadnaha gooyay jamaahiirta juve ciyaariyahan Cristiano Ronaldo.

Madrid oo kulan faa’iido wacan heysatay ka hor inta uusan bilaaban  ciyaarta  maadama ay 3-0 kusoo badiyeen lugtii hore ee garoonka Turin,kooxda juventus ayaa sameysay ciyaarta lugta labaad ee Bernabeu soo laabasho xili dambe ay qasaaro kala kulmeen

Difaaca mehdi Benatia ayaa rigoore ku keenay Bianconeri  daqiiqadii 93-aad ee dhamaadka dheesha xiligaa oo ay kooxdiisu hogaaka ku heysay 3-0 oo aheyd natiijo garba siman ka dhigtay ciyaarta laba koox ee Real Madrid iyo Juventus.

Laakiin rigoorada loo dhigay Real Madrid waxa gool u badalay Ronaldo kaas oo jooga ka riday dhamaan jamaahiirta juventus oo uu habeenkii xalay kamid ahaa Arturo Vidal.

Goolkii barbaraha guud kulanka ka dhigay ee uu dhaliyay ciyaariyahan Matuidi uma uusan dabaalgadin isagoo qura waxaa kaloo dabaaldagaa qeyb ka ahaa laacibka qadka dhexe ee naadiga Bayern Munich Arturo Vidal kaasi oo la arkay isagoo ka dabaalgagaya tarebuunka garoonka Alianza Arena kadib markii uu maqlay natiijada ciyaarta Real madrid iyo Juventus.

Vidal ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda juventus intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2015, wuxuuna u saftay 171kulan isagoo guud ahaan u dhaliyay kooxda reer talyaani 48 gool.

Wuxuu vidal u muuqaday mid dareenkiisa oo idil siiyay gegida Bernabeu waxaana la arkay laacibka oo ciyaarta ka daawanaya Laptop xili uu hilmaamay dheeshii kooxdiisa Bayer munich iyo Savelia taas oo ku dhamaatay 0-0.

Balse wax walba oo dareenka vidal ahaa waa badalay markii Ronaldo uu gool kulaadka guusha ku siiyay Madrid taana waxeey badashay xidiga reer chile oo xaalad murugo ah ku noqotay waxa ka dhacay Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close