WELIGAA YUUSAN WAR KAA TAGIN: Ma ogtahay in Barcelona ay si wayn u Dabaal degtay markii Roma……!!!

(Europe) 11 Abriil 2018. Roma ayaa lama filaankii ugu waynaa kubbada cagta ee xilli ciyaareedkan ku dhigtay Barcelona kaddib markii ay xalay ka reebtay tartanka Champions League.

Kooxda reer Spain ayaa 4-1 uga soo adkaatay Roma lugtii hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League ee lagu soo ciyaaray Nou Camp, balse 3-0 u dhiibtay markii ay mininkeeda keensatay.

Ma ahan oo kaliya in Barcelona uu gaaray jabkaas oo waxa midaa u dheer inuu war ka tagay maadaama ay ciyaartoyda Barcelona ku duceysanayeen in wareega sideeda lagu aadiyo Roma maadaama ay u arkeen mida ugu jilicsan kooxaha isku soo baxay.

 Lionel Messi endured difficult time over both legs against Roma

Qofkasta ayaa farxay marka dheriga isku aadka la soo saaray magaca Barcelona ayna ku xigtay Roma, ciyaartoyda ayaa farxay oo ducadoodii helay halka jariiradaha ka soo baxa Catalonia iyo Spain ay aad u bogaadiyeen arrinkan.

Jariiradda Sport ayaa boggeeda hore ku daabacday ‘Macaan’ markii Barca lagu beegay Roma. Waxayna raaciyeen ‘Nasiibku wuxuu u hiiliyay Barcelona isku aadka, waxayna durba ku riyoonayaan saddexda koob.”.

 Kostas Manolas leads celebrations after earning vindication with goal

Waxay kaloo xitaa qoreen in kooxda Reer Talyaani ay ahayd mida ay koox kastaa dooneysay in lagu aadiyo isku aadka wareegii sideed dhammaadka.

Laakiin war baa ka tagay oo Roma ayaa ku rafaadisay Raaskeeda isla markaana ka reebtay tartanka ugu xiisaha badan Yurub, sidaa darteed sheekadu waa ‘Weligaa yuusan war kaa tagin, kubbada cagta wax kasta ayaa ka suuro gal ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close