Real Madrid oo kulan muran dhaliyey ku soo baxday iyo Bayern oo iyana iska xaadirisay afar dhammaadka Champions League+Sawirro

(Madrid) 11 Abriil 2018. Ma jirin qof aaminsanaa in wixii xalay ka dhacay Stadia Olympico oo kale lagu arki doono Bernabeu, laakiin Juventus oo aad mooday in ay dhiirigalin ka soo jeeday Roma ayaa qarka u fuushay in ay sooyaal summad noqon lahaa sameyso.

Lugtii hore ee is araga Real iyo Juve waxa uu ku soo dhammaaday 3-0 ay gacanta sare ku lahayd Madrid waliba gegida Juventus Arena.

Laakiin qaytii hore ee ciyaartii caawa Bernabeu ka dhacday Juventus waxa ay dhalisay 2 gool oo uu madax ku wada dhaliyey Mario Mandzukic kuwaas oo cagta u saaray dhabbihii taariikhda.

Markii la’isu soo laabtay Juventus waxa ay heshay goolkii ciyaarta garbo siman ka dhigay labada lugood oo uu u dhaliyey Matuidi kaddib qalad uu galay Keyler Navas.

Hase ahaatee, waxa uu muran qeyn iyo is qab qabsi dhawaanahan dhammaan doonin keenau Lucas Vasquez oo lagu riday gudaha xayndaabka daqiiqadii dheeriga oo ahaa saddex oo ay daqiiqad dhiman tahay – rooso iyo rigoore ayaa la’isugu daray Juventus, Benatia ayaa rigoorada keenay waxaana dood uu garsooraha la galay kaarka cas ku qaatay Gianluigi Buffon.

Rigoorada waxaa u dhaliyey Cristiano Ronaldo kooxda Real Madrid.

Dhinaca kale Bayern Munich iyo Sevilla waxa ay ku kala bexeen 0-0 taas oo 2-1 ugu soo gudubtay afar dhamamaadka Champions League kooxda Bayern Munich oo lugtii hore ee Spain ka dhacday 2-1 ku soo badisay.

Soccer Football – Champions League Quarter Final Second Leg – Real Madrid vs Juventus – Santiago Bernabeu, Madrid, Spain – April 11, 2018 Real Madrid’s Cristiano Ronaldo scores their first goal from the penalty spot REUTERS/Paul Hanna

SAWIRRO

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close