Ian Wright oo ku booriyey laba ka mida xiddigaha muhiimka ah ee kooxda Mourinho in ay ka tagaan Mancehster United

(Manchester) 11 Abriil 2018. Ian Wright waxa uu qabaa In Marcus Rashford iyo Anthony Martial ay tahay in ay ka fekeraan ka tegidda Manchester United.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in Rashford iyo Martial ay ku jah wareersan yihiin Old Trafford.

Martial ku dhawaad bil kama soo muuqan safka kowaad ee United xilli uu naash naashayo dhaawac soo gaaray halka kulamadii Rashford yaraadeen tan iyo markii uu Alexis Sanchez ku soo biiray United.

Halyeygii Arsenal, Iwan Wright waxa uu aaminsan yahay in naqshad ciyaareedka Jose Muourinho ee United ay tahay in ay Martial iyo Rashford ka tegitaan ka fekeraan.

“Waa qasab in ay taas ka fekeraan marka la eego sida wax walba u dhacayan sida qaabka United u dheesho,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waxa ay ahayd in ay aad ugu dhawaadaan Manchester City marka la eego tayada ay haystaan umana suurtagalin in ay taas muujitaan ee ah sida ay doonayaan.”

Haddii midkood Rashford iyo Martial uu tagayo, Wright waxa uu sheegay in Mourinho doorbidayo Martial.

22 jirka reer France qaab ciyaareed wacan ayuu ku bilaabay ol’olahan balse wuu shiiqay markii hadda la soo gaaray gabagabada.

“Martial gabi’ahaanba wuu ka dhacay xulashada Mourinho, haddii uu mid dirayo waxa uu caadiyan fasaxaa Martial,” ayuu hadalkiisa ku daray Wright.

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close