Yaa Real Madrid u buuxin doona booska Kabtan Ramos kulanka Juventus maadaama uu dhaawac qabo Nacho?

(Madrid) 10 Abriil 2018 Tababare Zinadine Zidane ayaa wajahaya jah wareer ku aadan laacibkii uu ku lamaanin lahaa Raphael Varane kulanka lugta labaad ee Juventus.

Kabtan Sergio Ramos ayaa jaale qaatay kulankii lugta hore, sidaas darteed xaq uma lahan inuu ciyaaro kulanka lugta labaad oo ganaax ayuu ku seegayaa.

Image result for Jesus Vallejo Varane

Sida ay baahisay AS, da’yarka 21-jir ah ee Jesus Vallejo ayaa la filayaa inuu buuxin doono booska Ramos isla markaana lagu lamaanin doono daafaca reer France ee Varane.

Jesus Vallejo ayaa dhaawac dhanka muruqa ah ku seegay kulankii Derby Madrid axadii aan soo dhaafnay, waxaase la filayaa in laacibku uu ka qayb qaato tababarka maanta ee ka hor kulanka habeen dambe.

Laacibka ayaa shalay qaatay tababar gooni ah oo tijaabo badan lagu marsiiyay, mana jirin wax dhibaato ah oo uu wajahay, waxaana aad loogu saadaalinayaa inuu ka garab ciyaari doono Varane kulanka Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close