Tababare Valverde oo go’aansaday inuusan ciyaarsiin laacib kaan kulanka Roma

(Barcelona) 10 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ayaa diyaarsaday shaxdii uu kala hortagi lahaa kooxda Roma habeen dambe.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Sergio Busquets uusan sifiican wali uga soo kaban dhaawicii ka soo gaaray kulankii Chelsea.

Inkasta oo laacibku uu ciyaaray kulankii lugta hore, hadana tababare Valverde ayaa go’aan ku gaaray inuu san ciyaarsiin Sergio Busquets maadaama laga cabsi qabo in dhaawiciisu uu halis noqdo.

Tababaraha ayaa badalka Sergio Busquets ciyaarsiin doona Andre Gomes iyo Sergi Roberto oo labaduba qadka dhexe ku wehlin doona Rakitic iyo Iniesta.

Weerarka Barca ayaa noqonaya Messi iyo Suarez, waxaana keydka looga soo tagayaa Ousmane Dembele sida lagu sheegay warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close