Ronaldo oo hadiyad gaar ah siiyay Marcus Rashford iyo laacibka oo uga mahadceliyay

(Manchester) 10 Abriil 2018 Cristiano Ronaldo ayaa hadiyad siiyay da’yarka weerarka uga ciyaara Manchester United ee Marcus Rashford.

20 jirkaan ayaa bartiisa Instagram-ka ku xaqiijiyay in Ronaldo uu hadiyad ahaan ugu soo dhiibay kobo loogu talo galay tababarka kuwaas oo ay ku qoran tahay astaanta laacibka Real Madrid ee CR7.

rashford

Marcus Rashford ayaa uga mahadceliyay Cristiano Ronaldo hadiyada uu siiyay, laacibka ayaana ku farxay hadiyada gaarka ah ee uga timid xiddigii hore ee Man United.

Arinkaan ayaa imaanaya xili Marcus Rashford lala xiriirinayo kooxda Real Madrid oo u aragta inuu yahay badalka ku haboon ee Gareth Bale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close