Heegan oo kullan adag wajahaysa Madbacadda

(Muqdisho) 10 Abriil 2018). Kooxda Heegan  ayaa kullan adag galabta wajihi doonto naadiga Madbacadd ciyaartaas oo ka tirsan horyaalka Somalia Premier League.

Kullanka ayaa ah mid aad u xiiso badan. waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto, xilli Madbacadda ay ka cararayso in ay u dhacdo heerka Labaad.

Naadiga Heegan  ayaa ciyaartii ugu dambeysay bar baro la gashay  kooxda Banaadir, halka Madbacadda ay iyana 1-1 la dhaafi waysay Horseed.

Madbacadda  ayaa wax guul ah gaarin toddobadii  ciyaar ee ugu dambaysay horyaalka,afar kullan  waa laga badiyay saddex ciyaarne  bar baro ayee gashay.

Kooxda ciidanka Boolsika Soomaaliyeed ayaa ah kooxda saddexaad ee laga dhaliyay goolasha ugu yar horyaalka waana 7 gool, 11  kullan ay ciyaartay.

Madbacadda  ayaa ah  kooxda  goolasha ugu yar ka dhalisa horyaalka,iyadoo shabaqa taabsiisay  6  gool, 11  kullan ay ciyaartay, waxaana ku xigtay Waxool oo dhalisay 7 gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close