Feysal,Nyanzi,iyo Bile(Wax ka baro siddeed ciyaaryahan oo xilli ciyaareedkaan  soconaya goolal ka dhaliyay kooxihii ay ka soo tagayn)

(Muqdisho) 10 Abriil 2018).  Waxaa jira xiddigo  kala duwan kuwaas oo xilli ciyaareedkaan qaarkood ku cusub kooxaha ay u ciyaarayaan.

Dhowr ciyaaryahan ayaa waxaa u suura gashay in ay goolal ka dhaliyaan kooxihii ay usoo ciyaareen, Waxaana ka mid ah Feysal,Nyanzia,Bile iyo xiddigo kale.

Ciyaaryahanada qaarkood sida Anwar,Catoosh, Xasan Santos, Xasaasi iyo xiddigo kale way u suura gali waysay in kooxahoodii hore gool ka dhaliyaan.

Xogta oo dhamaystiran

Jeenyo 0-2 Dekedda

1:Feysal Xaashi ayaa horay ugu soo ciyaaray Jeenyo waxa uuna ka dhaliyay laba gool  kullan ku soo dhamaaday 2-0, xilli iminka oo ka tirsan yahay Dekedda.

Heegan 4-1Elman

2: Nyanzi Roony ayaa horay ugu soo ciyaaray Elman,waxaana isku dar ahaan Elman uu ka dhaliyay afar gool labadii ciyaar uu ka hor yimid isagoo matalayay Heegan.

Dekedda 1-1Gaadiidka

3:Bille Muxidiin  ayaa horay ugu soo ciyaaray Dekedda waxa uuna ka dhaliyay hal  gool  kullan ku soo dhamaaday 1-1, xilli iminka oo ka tirsan yahay Gaadiidka.

Waxool 1-1Gaadiidka

4: Gurxan  ayaa horay ugu soo ciyaaray Gaadiidka  waxa uuna ka dhaliyay hal  gool  kullan ku soo dhamaaday 1-1, waxa uuna ka tirsanaa wajiga hore ee horyaalka kooxda Waxool, balse iminka waxa uu  ku biiray kooxda Horseed.

Heegan 1-1 Banaadir

5:Cabdiyoow ayaa horay ugu soo ciyaaray Banaadir  waxa uuna ka dhaliyay hal  gool  kullan ku soo dhamaaday 1-1, xilli iminka oo ka tirsan yahay Heegan .

Dekedda 7-1 Madbacadda

6: Cabdisalaam ayaa horay ugu soo ciyaaray Dekedda waxa uuna ka dhaliyay hal  gool  kullan ku soo dhamaaday 7-1, waxa uuna  iminka ka tirsan yahay Madbacadda.

Elman 5-1 Madbacadda

7: C/majiid Nuur ayaa horay ugu soo ciyaaray Elman  waxa uuna ka dhaliyay hal  gool  kullan ku soo dhamaaday 5-1, waxa uuna  iminka ka tirsan yahay Madbacadda.

Elman 2-2 jeenyo

8: in kastoo C/casiis Hoomeey uu dhowr gool ka dhaliyay Elman markii uu ka tagay, whadane isagoo dhawaan ku biiray Jeenyo ayuu gaaray shabaqa Elman kullan ku soo dhamaaday 2-2.

W/D:Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close