FA-ga ingiriiska oo gabi ahaanba baabi’iyay casaankii la siiyay Mohamed Elneny

(London) 10 Abriil 2018 Xiriirka kubadda cagta dalka ingiriiska ayaa baabi’iyay casaankii la siiyay axadii laacibka Arsenal ee Mohamed Elneny.

Garsooraha ayaa casaan lama filaan ah siiyay wiilka reer Masar mar uu ku qabsaday ciyaartoyda Southampton inay gadaal u celiyaan kubadd ay horay u soo sikiyeen laad xor ah oo loo dhigay dhamaadkii ciyaarta.

FA-ga ayaa sheegay in si qaldan casaan loo siiyay Mohamed Elneny, waxayna xaqiijiyeen in laacibku uu u ciyaari karo Arsenal kulamada soo socda.

“Mohamed Elneny waa uu u ciyaari karaa Arsenal 3-da kulan ee soo socda kadib go’aan ka soo baxay gudiga anshaxa ee madaxa banaan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay FA-ga.

Mohamed Elneny ayaa diyaar u ah kulanka Arsenal ay axada dambe u martin doonto kooxda Newcastle United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close