Eden Hazard oo ay ka go’antahay in kooxdiisa uu u gacangaliyo koobka FA Cup-ka

(London) 10 Abriil 2018 Kubadd abuuraha reer Belgium ee Eden Hazard ayaa ka walwalsan in kooxdiisu ay koob la’aan baxdo xiliciyaareed kaan.

Wuxuuna rajeeyay in kooxdiisu ay ku guulaysato koobka FA Cup-ka si ay u farxaan taageerayaasha Chelsea oo wax badan filayay xiliciyaareed kaan.

“Waxaan rajaynayaa marka la fiiriyo taageerayaasha Chelsea iyo nafsad ahaanteenaba in aan wax uun ku guulaysano xiliciyaareed kaan” ayuu yiri Eden Hazard.

“Wali waxaan fursad u haysanaa u tartanka koobka FA Cup-ka, aad ayaan ugu baahanahay in koobkaas aan keeno Stamford Bridge xiliciyaareed kaan”.

Dhanka kale, Eden Hazard ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku dadaalayso sidii ay uga mid noqon lahayd 4-ta koox ee ugu sareeya horyaalka ingiriiska.

Chelsea ayaa 10-dhibic u jirta booska 4-aad, waxaana horyaalka ka harsan 6-kulan oo kaliya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close