Bale oo sameeyay arin uu ku cadaynayo inuu ka tagayo Real Madrid

(Madrid) 10 Abriil 2018 Gareth Bale ayaa si wayn loo la xiriirinayaa inuu isaga tagi doono kooxdiisa Real Madrid marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Bale uu guri ka iibsaday meel u dhaw xarunta tababarka ee kooxda Tottenham.

Laacibka ayaana diyaar u ah inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore maadaama iyadu ay u xaq leedahay saxiixiisa haddii uu ka tagayo Real Madrid.

Bale ayaa iibsaday guri ku fadhiya lacag dhan 7 milyan oo Ginni, warkaana ayaana niyad jab u leh kooxda Manchester United oo doonaysay saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close