Tababare Allegri oo ka faa’idaysanaya maqnaashaha Ramos (Arag qaabka uu doonayo inuu ka dhigo weerarkiisa)

(Torino) 09 Abriil 2018 Tababaraha Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa dajiyay qorshihii uu uga adkaan lahaa Real Madrid arbacada.

Massimiliano Allegri ayaa dajiyay labo qaab oo midood uu doonayo inuu ku wajaho Real Madrid maadaama uu ka maqan yahay kabtan Sergio Ramos.

Image result for mandzukic higuain

Sida ay baahisay TuttoSport, Allegri ayaa dajiyay qorshihiisa koowaad oo ah 4-3-3, waxaana qadka dhexe ka ciyaaraya Pjanic, Matuidi iyo Khedira, isaga oo weerarka ka ciyaarsiinaya Higuain, Douglas Costa iyo Juan Cuadrado.

Sidoo kale, tababaraha ayaa dajiyay qorshe kaas ka sii fiican oo ah 4-2-4, wuxuuna ciyaarayaa markaas 4-weerar oo halis galin kara Real Madrid.

Gonzalo Higuain iyo Mario Mandzukic ayaa ciyaaraya weerar toos ah, waxaana garbaha toos uga caawinaya Douglas Costa iyo Juan Cuadrado.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close