Ronaldo oo taladaan siiyay Neymar si uu ugu guulaysto Ballon d’Or

(Madrid) 09 Abriil 2018 Laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa talo aad muhiim u ah siiyay wiilka reer Brazil ee Neymar.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu xiriir la sameeyay Neymar, wuxuuna kula taliyay inuu ku soo biiro Real Madrid.

Image result for neymar ballon d'or 2018

Xiddiga reer Portugal ayaa u sheegay Neymar in Real Madrid ay tahay kooxda kaliya ee ka caawin karta inuu ku guulaysto laacibka ugu fiican adduunka.

Neymar ayaa ka tagay suuqii xaggaaga kooxda Barcelona, wuxuuna ku biiray PSG si uu ugu guulaysto Champions League iyo waliba abaal marinta xiddiga ugu fiican adduunka.

Balse Ronaldo ayaa rumaysan inay u fududaan doonto riyadiisa haddii uu aqbalo dalabka Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close