Ogoow magacyada ciyaartoyda seegaya kulamada lugta labaad ee isbuucaan laga ciyaarayo Champions League

(Yurub) 09 Abriil 2018 Talaadada iyo arbacada isbuucaan waxaa markale la ciyaari doonaa kulamada lugta labaad ee wareega rubuc dhamaadka Champions League.

Manchester City ayaa marti qaadi doonta Liverpool halka Roma ay marti qaadayso Barcelona habeen dambe, arbacada waxaa jira kulamo kale oo xiiso leh, Real Madrid ayaa marti qaadaysa Juventus halka Sevilla ay u martin doonto Bayern Munich.

Ciyaartoyda ka maqnaanaya kulamadaas muhiimka ah:

Man City vs Liverpool: kooxda tababare Klopp ayaa waynaysa ilaa 4-laacib kulanka City, Joe Gomez, Emre Can iyo Matip intaas waa dhaawac halka kabtan Henderson uu ganaax ku seegayo kulanka, dhanka City ma jiro laacib ka maqan.

Real vs Juventus: Real Madrid waxaa ka maqan Nacho Fernandez oo dhaawac qaba iyo kabtan Ramos oo ganaax ku seegaya ciyaarta halka Juventus ay ka maqan yihiin Dybala oo qaatay casaan kulankii hore iyo Rodrigo Bentancur oo ganaax ku seegaya ciyaarta.

Roma vs Barcelona: kooxda reer talyaani waxaa ka maqan Cengiz Under oo dhaawac qaba halka Barcelona uu ka maqan yahay Lucas Digne oo isna dhaawac qaba.

Bayern vs Sevilla: Dhamaan ciyaartoyda kooxda Sevilla ayaa diyaar u ah kulankaas laakiin Bayern waxaa ka maqan goolhaye Manuel Neuer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close