Bayern Munich oo helaysa akhbaar fiican ka hor kulanka Sevilla

(Munich) 09 Abriil 2018 Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa helaysa akhbaar fiican ka hor kulanka ay marti qaadi doonto Sevilla.

Daafacooda David Alaba ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda kadib markii uu dhaawac dhanka dhabarka ah uu ku seegay kulankii sabtigii kooxdiisu ay guusha ka gaartay Augsburg.

Alaba ayaa sidoo kale seegay kulankii lugta hore ee Champions League ee Bayern Munich ay Sevilla uga adkaatay 2-1.

Dhanka kale tababare Jupp Heynckes ayaa nasiino siiyay ka hor kulanka Sevilla ciyaartoyda kala ah Arjen Robben, Jerome Boateng, Joshua Kimmich iyo Rafinha.

Dhamaan ciyaartoydaan ayaa dib ugu soo laabanaya barri tababarka buuxa ee kooxda, laakiin waxaa loo badinayaa in Arturo Vidal uu seegayo kulanka Sevilla.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close