“Pogba wuxuu qadka dhexe ee Man City ka noqon lahaa dooqa 5-aad.”.-

(England) 08 Abriil 2018. Laacibka ugu qaalisan Man United Paul Pogba ayaa labo gool ka xareeyay xalay naadiga Mancehster City kulan xiiso lahaa oo ay kaga adkaadeen 3-2.

Ciyaartii shalay ee Derby Mancheste ka hor, Pep Guardiola ayaa daaha ka rogay in loo soo bandhigay saxiixa Pogba bishii Janaayo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga balse uu iska diiday maadaama uu qaali yahay qiimaha lagu iibsanayo.

Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa tebinta ciyaarta ku sheegay in Pogba haddii uu xitaa dhaqaaqi lahaa Man City uu ka noqon lahaa uun dooqa shanaad ee qadka dhexe.

 Gary Neville reckons Man City's midfield is far too good for Paul Pogba

“Wakiilka Pogba wuu ku niyad samaa inuu u bandhigo Manchester City,” Neville ayaa sidaa yiri.

“Gundogan, Fernandinho, De Bruyne, Silva. Wuxuu noqon lahaa dooqa shanaad haddii uu ciyaaro sida uu yahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close