Ogoow magacyada 9-laacib oo galabta ciyaaraya kulankoodii ugu danbeeyay ee Derby Madrid

(Madrid) 08 Abriil 2018 Real Madrid ayaa galabta marti qaadi doonta kooxda Atletico Madrid, ciyaartoy dhawr ah ayaana galabta ciyaari doona kulankoodii ugu danbeeyay ee Derby Madrid.

Wargayska AS ayaa daaha ka qaaday ilaa 9-laacib oo galabta ciyaaraya kulankoodii ugu danbeeyay ee Derby Madrid maadaama la filayo inay ka kala tagi doonaan labada kooxood.

Ciyaartoyda ciyaaraya kulankoodii ugu danbeeyay ee Derby Madrid dhanka Real ayaa kala ah goolhaye Navas, Isco, Bale, Benzema iyo Marcos Llorente, waxaana la filayaa in dhamaan ciyaartoydaan ay ka tagaan Real Madrid.

Image result for Navas Griezmann Benzema

Dhanka Atletico Madrid waxaa jira 4-laacib oo iyagana la filayo inay galabta ciyaaraan kulankoodii ugu danbeeyay ee Derby Madrid kuwaas oo kala ah:

Goolhaye Jan Oblak kaas oo diirada u saaran inta badan kooxaha ka dhisan yurub, Antoine Griezmann oo ku sii jeeda Barcelona ama Manchester United, Fernando Torres iyo waliba Kevin Gameiro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close