Muxuu xalay Paul Pogba dhagta ugu sheegay De Gea?

(Manchester) 08 Abriil 2018. Guushii xalay ee soo laabashada ahayd ee ay Manchester United ka gaartay Manchester City waxaa loo hibeyn karaa Paul Pogba – laakiin xiddigga waxa uu aqoonsaday kaalintii mugga lahayd ee David De Gea.

Pogba waxa uu laba gool oo laba daqiiqo isu jiray kulankii Manchester Derby ugu yeelay waji kale kaddib markii ay qeybtii hore 2-0 ku martay City oo hoggaanka haysa.

Chris Smalling ayaa u qubeeyey City oo ka dhigay ciyaarta 2-3.

Kulanka kaddib, Pogba waxa uu toos u abaaray De Gea waxa uuna ku qeyliyey. ‘Number One” Uno Uno”

Waxa uu ula jeeday in De Gea yahay goolhayaha kowaad ee aduunka.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close