Muxuu ka yiri tababare Valverde hadalkii ka soo yeeray tababare Zidane?

(Barcelona) 08 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ayaa markiisa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane.

Tababare Zidane ayaa sheegay inuu go’aan ku qaatay in ciyaartoydiisu aysan u sacbin Barcelona haddii ay ku guulaysato La Liga ka hor kulanka El-clasico.

Wuxuuna u sababeeyay in Barcelona ay diiday inay u sacbiso kooxdiisa kulankii hore ee El-Clasico, markaas oo Real Madrid ay soo qaaday koobka kooxaha adduunka.

Ernesto Valverde ayaa la waydiiyay waxa uu ka leeyahay hadalka tababare Zidane kadib guushii xalay ee Leganes, wuxuuna yiri:

“Muhiim iima ahan hadalkii uu yiri Zidane, mana jirto wax aan ka dhahayo waayo ilaa haatan kuma aanaan guulaysan horyaalka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close