Maxaa ka jira in Arsenal ay racfaan ka qaadanayso casaankii galabta la siiyay Mohamed Elneny?

(London) 08 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay casaankii galabta la siiyay laacibkiisa Mohamed Elneny.

Wenger ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay in garsooruhu uu casaan toos ah siiyo Mohamed Elneny dhamaadkii ciyaarta.

Elneny ayaa isku dayay inuu ku qasbo ciyaartoyda Southampton inay gadaal u sikiyaan laad xor ahaa oo loo dhigay, is qab qabsigii ka dhashay ayaa keenay in casaan loo taago wiilka reer Masar.

Arsene Wenger ayaa saxaafada u sheegay inuu dib u daawanayo dhacdadaas isla markaana uu sugayo ilaa barri si uu go’aan uga qaato inay racfaan ka qaadanayaan iyo inkale.

“Haa, xoogaa lama filaan ayeey igu noqotay casaankii la siiyay” ayuu yiri tababare Wenger oo la waydiiyay sida uu u arko casaankii Elneny.

“Uma dhaqmin si cadawtinmo leh, mana u malaynayo inay ahayd mid ku talo gal ah, barri ayaan fiirin doonaa haddii ay jirto sabab nagu qasbi karta inaan racfaan ka qaadano”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close