LA LIGA: Madrid Derby oo garbo siman ku soo dhammaaday

(Madrid) 08 Abriil 2018. Kulankii xiisaha badnaa ee Madrid Derby ee galabta Bernabeu ka dhacay waxa uu ku soo idlaaday 1-1.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqaddii 53-aad shabaqada ku hubsaday kubadd dhul ma dhacdo ah xilli qeybtii hore ay ku soo dhammaatay bar bar dhac goolal la’aan ah.

Hase ahaatee, waxaa goolka dhawr daqiiqo kaddib ka keenay Antoine Griezmann oo daqiiqaddii 57-aad fursad uu ku helay shabaqa dhex dhigay.

Madrid oo il gaar ah ku haysa ayaa qaar ka mida xiddigeheeda kaydka fariisisay sida Luka Modric oo gadaal laga keenay.

Natiijadaas bar bar dhac ah waxa ay hanashada La Liga u sii dhaweysay Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close