Kulamada la ciyaarayo galabta ilaa caawa iyo saacadaha ay soo galayaan

(Yurub) 08 Abriil 2018 Kulamo aad u xiiso badan ayaa galabta ilaa caawa laga ciyaarayaa horyaalada ugu wayn qaarada yurub.

Horyaalka ingiriiska:

Waxaa jira laba kulan uu aad u xiiso badan oo galabta iyo caawa laga kala ciyaari doono horyaalka ingiriiska.

Arsenal ayaa marti qaadi doonta galabta 4:15 PM kooxda Southampton, halka Chelsea ay soo dhawaynayso West Ham United 6: 30 PM Maqribkii.

Horyaalka talyaaniga:

Horyaalka talyaaniga waxaa galabta ilaa caawa laga ciyaari doonaa kulamo aad u xiiso badan, waxaana xusid mudan 3-kulan oo indhaha lagu hayn doono.

Inter ayaa u martin doonta kooxda Torino 1:30 PM ee duhurnimada maanta, Napoli ayaa soo dhawaynaysa Chievo 4-ta galabnimo, AC.Milan ayaa caawa 9:45 PM soo dhawayn doonta kooxda Sassuolo.

Horyaalka Spain:

Kulamo badan ayaa laga ciyaarayaa galabta ilaa caawa La Liga, laakiin waxaa ku jira kaliya hal kulan oo aad loowada sugayo waana Derby Madrid.

Real Madrid ayaa marti qaadi doonta galabta 5:15 PM kooxda Atletico Madrid, waana kulan ay indhaha ku hayso Barcelona oo u baahan guusha Real Madrid.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close