Kaddib markii uu Messi bar bareeyey tirada bulusyoon dhalinta ee hal xilli ciyaareed oo ah 7 Ronaldinho, tiradee ugu badnaa ol’olahan kahor?

(Catalonia) 08 Abriil 2018.  Tirada ugu badan ee uu hadda kahor ol’ole bulusyoon ku gaaray waxa ay ahayd 4 oo uu kala dhaliyey 2011-12 iyo 2015-16.

Leo Messi waa boqor bulusyoon waxa uuna taas caddeeyey markale kulunkii Leganes.

Waxa uu dhaliyey bulusyoonkiisii toddobaad, lix ka mida waa La Liga.

Waxa uu iska bareejeeyey Ronaldinho oo toddoba dhaliyey ol’olihii 2006-07.

Bulusyoonka kale ee Messi waxa uu Champions League kaga dhaliyey Olympiacos.

Darbadaas xorta ah ayaa ahayd goolkiisii 27-aad ee xilliciyaareedkan waxa uuna raacsaday laba kale oo uu uga dhigay 29.

Messi waxa uu Barcelona u dhaliyey 34 bulusyoon halka uu Argentina u dhaliyey 6 oo tirada ka dhigeysa 40.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close