Danny Welbeck oo laba gool oo uu dhaliyey guul ay u dhibtooday Arsenal ku siiyey

(London) 08 Abril 2018. Arsenal waxa ay si dhib ah uga badisay Southampton oo ku soo booqatay Emirates.

Kulanka oo jawi qabow ku bilowday waxaa gool ku hormartay Southampton waxaana u saxiixay Shane Long.

Hase ahaatee, waxaa ka keenay Aubameyang kahor inta uusan mid kale hogaanka ugu dhiibin Danny Welbeck.

Qeybtii dambe ee cayaarta daqiiqaddii 74 aad waxaa bar bar dhac cayaarta ka dhigay Charile Austin.

Yeelkeede, weeraryahankii hore ee Manchester United, Welbeck ayaa goolka saddexaad u dhaliyey Arsenal.

Waxaa Arsenal daqiqiaddii 9-aad kaarka cas ka qaatay Mohamed Elneney halka sidoo kale isla waqtigaas uu kaarka qas ka qaatay Southampton Jack Stephens.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close