Weyne Rooney Oo Ka Booleystay Goolkii cajiibka ahaa ee uu Ronaldo ka dhaliyey Juventus

(Mancester) 07 Abriil 2018. Cristiano Ronaldo waxa uu dhaliyey mid ka mida goolashii ugu ilqabadka badnaa ee sooyaalka Champions League.

Bilowgii toddobaadkan Real Madrid waxa ay 3-0 ku dishay Juventus lugta kowaad ee sideed dhammaadka Champions League-ga.

Ronaldo ayaa kulankaas isku xardhay ciwaanada jariiradaha kaddib markii uu shabaqa la helay gool ka xusi doono qarniyo.

Waxa uu la booday laan janjeerkii Dani Carvajal isaga oo labaaleey ka dhaliyey Gianluigi Buffon.

Goolkaas waxaa lala meel dhigay kii cajiibka ahaa ee uu Zinedine Zidane ka dhaliyey Bayer Liverkusen fiinaalihii Champions League ee 2002.

Hase ahaatee, Weyne Rooney oo kaas oo kale ka dhaliyey Manchester City 2011 ayaa doodad soo galay.

Waxa uu sheegay in kiisii wanaagsan yahay.

Waxa uu yiri: “Waxaan farriin u diray Rio waxaana qabaa dhabtii in ay farsamo adag tahay in sidaas aad sammeyo.

“Walise keyga ayaan dooranayaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close