Napoli oo doonaysa Suso & AC Milan oo ku bedeleeysa Domenico Berardi

(Milano) 07 Abriil 2018 – Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in ay Napoli doonaysa garab-weerarka AC Milan ee Suso kaasoo ay kooxdaasi ku bedeli rabto Domenico Berardi.

Sida ku qoran Tuttosport iyo Il Roma, iyo webab kale, ayaa waxay qorayaan in Partenopei ay isha ku hayso Suso iyadoo u diyaar ah inay bixiso €38m oo euro.

Isla Tuttosport ayaa soo jeedinaya in Rossoneri ay qorshaynayso in soo qaadato garab-weerarka Sassuolo ee Berardi oo haatan 23 jir ah oo ay xilliyadii dambe dhaawacyo la degeen, wuxuuna sanadkan dhaliyay 2 gool, 2 goolna dhigay 23 kulan oo Serie A.

Yeelkeede, wuxuu saftay 134 kulan, isagoo dhaliyay 45 gool, isagoo dhigay 35 gool, balse wuxuu sidoo kale qaatay 4 roose.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close