Kulankii ay Barcelona ballankii burisay

(Madrid) 07 Abriil 2018. Zinadine Zidane waxa uu sheegay in aysan jiri doonin wax la yiraahdo SHARFID Barcelona ah haddii ay ku guuleystaan La Liga kahor kulaka El Clasico.

Zidane waxa uu eedda dusha u saaray Barcelona oo uu ku sheegay in ay hareer martay dhaqankii jiray.

“Haddii in la’is sharfaa ay ku xiran tahay ku guuleysiga koob markaa Barcelona ayaa jebisay mana ku sameyn doonno Camp Nou middaas waana go’aankeyga,” ayuu yiri.

Waxa uu kala jeeday El Clasico-dii la ciyaaray December markii ay 23 ahayd markaas oo ay Blaugrana diiday in ay sidaas ugu sameyso Real garoonka Santiago Bernabeu kaddib markii ay ku soo guuleysteen koobkii kooxaha aduunka.

“Kooxdan, caadiyan waan sharafnaa marka koox koob ku guuleysato tartanka aan ka qeyb galeyno,” ayuu hadalkiisa ku daray,” waxaa sidaas yiri Guillermo Amor.

Barcelona waxa ay ciyaartaas ku badisay 3-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close