Guardiola oo sheegay inuu iska diiday Pogba oo loo soo bandhigay…(Laacibka reer France oo isna u soo jawaabay)

(Manchester) 07 Abriil 2018. Ka hor kulanka caawa ee Derby Manchester, Pep Guardiola ayaa daaha ka rogay inuu iska diiday Paul Pogba kaddib markii loo soo bandhigay bishii Janaayo.

Macallinka reer Spain ayaa sheegay in wakiilka Pogba Mino Raiola uu u soo wada bandhigay saxiixa Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan.

“Labo Bilood ka hor Mino Raiola wuxuu ii soo bandhigay Mhikitaryan iyo Pogba si ay noogu ciyaaraan,” Guardiola ayaa sidaa yiri.

“Wuxuu xiiseynayay in Mhikitaryan iyo Pogba ay noo ciyaaraan innaga, Pogba waa laacib aan innaba caadi ahayn, ciyaaryahan heer sare ah.

 Mino Raiola is claimed to have offered City both Henrikh Mkhitaryan and Paul Pogba

“Waxaan iri maya. Ma heysano lacago nagu filan oo aan ku iibsano Pogba maxaa yeelay waa qaali isaga.”.

Laacibka ugu qaalisan Man United Paul Pogba ayaa sheekada Guardiola kaddib ugu soo jawaabay boggiisa Instagram.

Wuxuu soo dhigay Sawir isagoo dhagta taagaya wuxuuna soo raaciyay qoraal yar oo u dhacaya:

“Muxuu yiri!???”.

Manchester City ayaa caawa loo caleemo saari doonaa Premier League haddii ay ka adkaato dariskeeda Man United oo marti ugu ah Etihad Stadium.

Say what? 👂🏾

A post shared by Paul Labile Pogba (@paulpogba) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close