Guardiola oo hadal calaacal ah laga hayo kahor kulanka caawa ee uu ka horimanayo Mourinho

(Manchester) 07 Abriil 2018. Tababaraha Manchester City ayaa daaha ka rogay in uusan jeclaan lahayd toddobaadkan in uu ku aado Manchester United.

Manchester City waxa ay soo dhaweyn doontaa Manchester United iyaga oo garanaya guul in ay dhaxal siin doonto koobkii saddexaad ee ay Premier League ahaan u qaado Muwadiniinta.

Laakiin iska horimaadka caawa waxa uu dhexda ka galay kulamada adag ee Liverpool iyo Man City ku dhexaraya rubuc dhammaadka Champions League.

Arbacadii City waxa ay soo bandhigtay mid ka mida qaab ciyaareedkeedii ol’olahan ugu liitay kaddib markii ay Liverpool Anfield lugta hore 3-0 ku soo dubatay.

Lugta labaad, waxaa la qishay in Guardiola nasin doono xiddigihiisa waa weyn.

Isaga oo  u warraaya Sky Sports AM, Guardiola waxa uu qiray in uusan jeclaan lahayd la ciyaaridda “Man United sidan u awood badan.

Waxa uu yiri: “Waxaan dooridi lahaa in aan koox kale la dheelo. Inta u dhexeysa kulamada Liverpool…Haa!

“Waxaan jeclaan lahaa in aan koox kale kula dheelo guriga, ma aha kuwo la mid ah United. Runtii.

“Waxaan ka doorbidi lahaa kulan aan sidaas u adkeyn, si aan isugu diyaariyo ciyaarta Liverpool.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close