EPL: Manchester United oo beedkeeda ku riiqday Mancehster City oo caawa u baahneyd guul si ay ugu dabaal dagto hanashada Premier League-geedii saddexaad

(Mancehster) 07 Abriil 2018. Waxaa ka dhacay gegida Etihad kulan aad u xamaasad badnaa oo ay isku fara saareen Manchester City iyo Manchester United.

Man City ayaa ku hormartay laba gool qeybihii dhexe ee 45-ka hore waxaana daqiiqadii 25-aad iyo 30-aad u kala dhaliyey Vincent Kompany iyo Ilkay Gundogan.

Hase ahaatee, qeybtii dambe waxaa laba deg deg ah ka dhaliyey Paul Pogba kahor inta uusan u saddexeen Chris Smalling.

Hadda City waxa ay u baahan tahay guul si ay u xaqiijiso horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close