Barcelona oo u sheegtay Arsenal in Ousmane Dembele …….

(Barcelona) 07 Abriil 2018 Kooxda Barcelona ayaa jawaab kama danbays ah siisay dhigeeda Arsenal oo si wayn u doonaysa saxiixa Ousmane Dembele.

Sida ay baahisay idaacada Cadena Cope, Maamulka kooxda Barcelona ayaa ku kala qaybsamay in Ousmane Dembele uu sii joogo kooxda xiliciyaareedka dambe iyo in la fasaxo.

Image result for dembele Arsenal

Xubnaha qaar ayaa qaba in loo sabro laacibka reer France isla markaana la siiyo waqti uu kula qabsan karo kooxda halka kuwo kale ay qabaan in la is dhaafiyo laacibkii hore ee Borussia Dortmund.

Sida lagu sheegay warbixinta, Arsenal ayaa xiriir toos ah la samaysay Barcelona balse waxaa loo sheegay kooxda tababare Wenger in Ousmane Dembele ay heli karaan dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Fariinta loo diray Arsenal waxaa kale oo lagu xusay in Barcelona aysan wali qaadan go’aan kama danbays ah balse ay suurogal tahay in laacibka la soo dhigo suuqa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close