”Xulka Talyaanigu xoog ma lahayn” – Gianluigi Buffon

(Torino) 06 Abriil 2018 – Gianluigi Buffon ayaa qirtay inaysan Talyaanigu ‘lahayn awooddii’ ay uga dhabayn lahaayeen riyooyinka taageerayaashooda, oo sanadkan KA2018 TV-yada uun ka daawan doonta.

Talyaaniga ayaan soo celin karin isla bandhiggii KA2006 oo ay ku qaadeen dalka Jarmanka, waxayna ku hareen laba ciyaarood oo kala bax ahayd oo ay la dheeleen xulka heer dhexaadka ah ee Sweden oo isu gayn ahaan 1-0 ku reebay, taasoo Talyaaniga dhaafisay ka qaybgalka KA markii ugu horreeysey muddo 60 sano ah.

“Xulka Talyaanigu ma lahayn awood ay kaga dhabeeyaan riyooyinka dadka taageera. Sidaa darteed carruurteennu ma awoodi doonaan inay dareemaan macaanka KA,” ayuu ruugcadaaga Juve u sheegay So Foot.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close